Wararkii Udambeeyey Ee Weerarrada Al-Shabaab ku Qabsatay Huteellada Muqdisho Iyo Tirada Dhimashada
August 17, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Faafaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar loo adeegsaday gaari waxyaabaha lagasoo buuxiyay oo lagu qaaday hotel Elite oo kuyaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
In ka badan 10 qof oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladdeed ayaa ku dhintay ku dhawaad 30 kalena way ku dhaacmeen weerarkaan oo isugu jiray ismiidaamin iyo dabley hubaysan oo weerar ku qaadday hotelka oo xilligaas ay ku sugnaayeen dad u badan masuuliyiin iyo siyaasiyiin.
Wararka la xaqiijiyay waxay sheegayaan in weerarkaas ay ku dhinteen agaasimihii wasaaradda warfaafinta ee xidhiidhka gobolada Cabdirisaaq Cabdi Cabdullaahi iyo sarkaal katirsanaa wasaaradda gaashaandhiga.