berberatoday.com
Wasiir Ka Tirsanaa Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Oo Lagu Dilay Jowhar
August 18, 2020 - Written by admin

Jowhar(Berberatoday.com)-Wasiir ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle, ayaa caawa toogasho lagu dilay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas. Dilka ayaa dhacay xilli uu u sii socday gurigiisa, sida ay goobjogayaal sheegeen:- Wasiir ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle, ayaa caawa toogasho lagu dilay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas. Dilka ayaa dhacay xilli uu u sii socday gurigiisa, sida ay goobjogayaal sheegeen

Wasiir ahna xildhibaan ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa caawa fiidkii lagu dilay Magaalada Jowhar ee xarunta maamul gobaleedka Hirshabelle.

Marxuum Cabdiqaadir Abuukar Karaani, oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan maamulka ayaa todobaadkan gudihiis loo magacaabay Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Maamulka Hir-Shabeelle

Wasiirka ayaa lagu dilay fiidkii meel aan sidaa uga fogeyn gurigiisa oo ku yaala xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar. Dilka wasiirka oo la sheegay in uu geytay qof hubeysan ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada booliska ayaa howlgal ka sameeyay xaafadaha magaalada Jowhar ilaa xiligan majirto qof loo soo xiray dilka wasiirka sidoo kalana laamaha Amniga wali wax war ah kama bixin cida ay ku tuhmayaan in ay dilka ka dambeyso.

Xidhibaanka ahna wasiirka caawa la dilay ayaa ka hor intii aan loo macagaabin Wasaarada Beeraha Hirshabelle wuxuu ahaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyada Maamulka Hi-Shabeelle.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews