Kooxda PSG Oo Iska Xaadirisay Finalka Champion League Kadib Markay Ku Durdurisay Kooxda Yar Ee RB Leipzig Oo Markii Uhoreysay Halkaas Soo Gaadhay
August 19, 2020 - Written by admin
Lispon(Berberatoday.com)-PSG ayaa jaratay tikitka finalka tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League kaddib markii ay si raaxo leh kaga adkaatay kooxda RB Leipzig 3-0, kulankii wareega afar dhamaadka Champions League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Paris Saint-Germain.
Daqadii 13-aad kooxda Paris Saint-Germain ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Marquinhos, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Angel Di Maria.
42 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Paris Saint-Germain ayaa dhalisay goolkeeda labaad waxaana 2-0 ka dhigay Angel Di Maria, waxaana caawinta goolkan lahaa Neymar Jr.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
56 daqiiqo Paris Saint-Germain ayaa sii dheereeysatay hoggaaminta dheesha waxaana 3-0 ka dhigay Juan Bernat oo caawinta goolkan ka helay Angel Di Maria.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 3-0 ay kaga adkaatay Paris Saint-Germain kooxda RB Leipzig, waxayna kooxda reer France ay iska xaadirisay finalka tartanka UEFA Champions League.
SAWIRRO:













Gool FM.