Waa Maxay Xanta Suuqqa Ee Xisbiga Kulmiye.
August 20, 2020 - Written by admin
Waxa soo baxaya xogo laga helayo shir-weynaha xisbiga kulmiye ee dhacaya 4-ta bisha 10aad ee 2020
Ugu horeyn xisbigu waxa uu gowracay siyaasiyiintii bilaa-hanka ahayd ee hebel ku xumeeda u hadli jiray oo warkoodu soo afjarmi doono bisha foodda inagu soo haysa.
Golaha dhexe ayuu Madaxweynuhu soo koobi doonaa isagoo ka dhigaya 150 xubin oo keliya halkii markii hore laba jibaar intaas ahayd, xubnaha golaha dhexe intooda badani waxa ay noqon-doonaan Masuuliyiin Xilal ka haya Xukuumadda.
Gudoomiyaha Xisbiga Waxaa mar kale isku caleemo saari doona Madaxweyne Muuse Biixi, Halka Maxamed kaahin ay khasab ku noqon doonto in uu iska iimaansado Wasiirnimadiisa iyo ku xigeenka 1aad ee xisbiga,
ku xigeenka labaad laba shakhsi ayuu Madaxweynuhu mid u dooran doonaa labadaas oo kala ah Cali Maxamed Warancadde iyo Axmed Cabdi Dheere oo labadaba uu hunguri kaga jiro booska ku xigeenka 2aad.