“Wax Kasta Oo Lid Ku Ah Dhaqankeena Suuban Ee Diinteena Islaamku Inoo Jidaysay Aynu Ka Hortagno…”
August 20, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed-weli Warsame Cali oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka digay wax kasta oo khatar ku ah nabadgalyada, xasilooni darana keenaya, waxaanu ku baaqay in nabadda la ilaaliyo, lagana dheeraado colaadaha.
Xildhibaan Maxamed-weli Warsame Cali oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in la ilaaliyo dhaqanka, lagana dheeraado wax kasta oo lid ku ah dhaqanka iyo Diinta Islaamka, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Qiimaha iyo nabaddu leedahay cidda aan haysan baa garanaysa, ee nimcada iyo qiimaha ay nabaddu leedahay aynu garano oo aynu iska ilaalino wax kasta oo nabadgalyo-darro inagu keenaya, nabad baa naas la nuugo leh, oo aynu ka digtoonaano wax kasta oo nabaddeena khal-khal galinaya, Beelaha dagaalku dhexmarayna, waxaan ku boorinayaa oo aan kula dardarmayaa inay dagaalka joojiyaan, oo nabadda qaatan”.