Budhcad Badeed Soomaali Ah Oo Afduubtay Markab Xamuula Marayay Xeebaha Bari Ee Soomaaliya
August 21, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Budhcad badeedd Soomaali ah ayaa maanta afduubatay markab ganacsi oo marayey xeebaha Soomaaliya, kaasi oo sitay calanka dalka Panama sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.
Markabka la afduubtay ayaa wuxuu kasoo baxay Dekadda dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna kusoo socday Dekadda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya sida uu sheegay Muse Saalax oo ah gudoomiyaha Gardafu ee gobolka waqooyi bari ee Puntland.