berberatoday.com
Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Ka Maqnaansha Puntland & Jubaland Ee Shirka Dhuusamareeb 3
August 21, 2020 - Written by admin

New York(Berberatoday.com)-Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Ambassador James  Swan, ayaa arrin laga xumaado ku tilmaamay in Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland diidaan codsiyo isdaba-joog ah oo ay ka heleen hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah, si ay shirka Dhuusomareeb-3 uga qeyb-qaataan.

Ambassador James  Swan, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay warbixin toos ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya siinay fadhiga guud ee golaha Qaramada Midoobay oo ka furmay magaalada New York ee dalka Maraykanka.

“Waxaan fahamsanahay inay jiraan aragtiyo kala duwan oo ka dhex jira hoggaamiyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya. Si kastaba ha noqotee, xilliyadan oo kale waa waqti aad loogu baahan yahay hoggaamiyeyaasha Qaranku inay wadahadlaan oo ay soo bandhigaan fikradohooda ugu wanaagsan; si ay u helaan xalka danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed.” Sidaa ayuu yidhi Ambassador James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr Swan, ayaa sheegay maaddaama oo aanay Soomaaliya ka jirin Maxkamad Dastuuri ah iyo Hay’ad garsoor oo la isku halleyn karo oo xallisa jaho-wareerka dastuuriga ah, in xalku u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo sal ballaadhan oo daneeye kasta oo Soomaali ah u baahan yahay inuu qayb ka noqdo, si wax la isla gartay amma heshiis lagu yahay loogu wada hawlgalo.

James Swan oo waxa uu tilmaamay in xil-isu-wareejinta nabdoon ee afartii sanaba halka mar ah looga baahan yahay inay dhaqangal ka ahaato Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Dabcan waxay ku xidhan tahay saamileyda Soomaaliyeed inay go’aan ka gaadhaan hannaan hagaya nidaamka doorashada.”

“Si kastaba ha noqotee, waxaan ku boorrinaynaa in tusaalaha noocan ah lagu gaadho wadahadal loo dhan yahay iyo isu tanaasul. Waa in sidoo kale lagu dhaqmaa mabaadi’da xil isku wareejinta nabdoon ee afartii sanaba mar ah.” Sidaa ayuu yidhi Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan dalka Soomaaliya Danjire James Swan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews