Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay Inay Xoojinayso Isticmaalka Dekedaha Gobolka Ee Ta Somaliland Ka Mid Tahay
August 23, 2020 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay inay kordhinayso Tirada Dekedaha ay Isticmaasho, maaddaama oo Itoobiya tahay dal dhul ahaan ballaadhan oo aan lahayn Deked.
Maareeyaha Dekedaha ee Dawladda Itoobiya Makonan Abarra ayaa sheegay inay Dawlad ahaan heshiis isticmaalka Dekedaha kula jiraan Suudaan, Jabuuti iyo Somaliland, balse ay aanay Dekedahaasi ku filayn, sidaasi darteed ay qorsheeyeen inay isticmaalaan Dekedaha dalalka Kenya iyo Eriteriya, iyadoo laga duulayo sidii loo yarayn lahaa kharashaadka Itoobiya kaga baxa Rarka Alaabooyinka uga soo dega Dekedaha dalalka la deriska ah ee Somaliland ka mid tahay.