Gudoomiye Degmo Oo Qarax Lagula Eegtay Muqdisho”
August 23, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow, Ex Koonis Stadium.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay gaari uu la socday guuddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid, Muuse Geesey Jimcaale oo marayey halkaasi.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha uu ka bad-baaday qaraxa lala bartilmaameedsaday, balse waxaa la soo wariyey inuu ku dhintay hal qof shacab ah, kaas oo ahaa Wade Mooto Bajaajle, iyadoona ay ku dhaawacmen saddex kale.