“Ergo Nabadeed Ayaanu Inimi Ceerigaabo Ergadayadii May Fulin Nalama Aqbalin Taas Waad Noo Ogaanaysaan Reer Ceeraabaw”Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan”Daawo Muuqal
August 25, 2020 - Written by admin
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-ergo Nabadeed oo kasoo jeeda Beelaha Subeer Awal oo Todobaadadii udanbeeyay Ceerigaabo ujoogay xal uhelida dil ka dhacay sanadkii 2016kii magaalada Berbera uu ku baxay Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Saaxil ee Xiligaas Marxuum Cabdirisaaq Caseyr ayaa waxay ergadu sheegeen in laga diiday ergadaas ay halkaas utageen beeshii marxuumku ka dhashay ee galbeedka Gobol Sanaag kasoo jeedaana diideen inay qaabilaan oo wada hadal la yeeshaan Madax dhaqameedka Beelaha Subeer Awal oo tiradoodu ka badanayd 30 Sulaadiin Boqoro, Ugaasyo iyo Cuqaal isugu jiray.