berberatoday.com
Madaxweynaha Oo Kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland
August 25, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Guddida Komishanka doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha uga warbixiyeen hawlaha qabsoomidda doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay hore u soo saareen jadwalkii diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka, iyagoo xusay inay u bandhigeen xisbiyada qaranka, waxana ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen xilliga ay muddeeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan diyaarinta qabsoomidda doorashooyinka, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay xaqiijiyaan sidii ay doorashooyinkaasi dalka uga qabsoomi lahaayeen, isagoo ku adkeeyey inay dardar-geliyaan diyaarinta diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo hawsha qabsoomidda doorashooyinka.

Ugu danbayn waxa kulankaas madaxweynaha iyo guddida doorashooyinka qaranku isla meel dhigeen in si wada-jira loo wajaho qabsoomidda doorashooyinka.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews