Maxkamada Sare Ee Jsl Oo Qaraar Kasoo Saaray Codsigii Madaxwaynaha Somaliland Ugudbiyay Ee Xeerka Doorashooyinka Golaha Wakiilada.
August 28, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Maxkamada Sare ee dalka u gudbiyey qoraal ku taariikhaysnaa 12/08/2020 oo summadiisu ahayd JSL/XM/MS/100-545/08/2020, kaas oo ujeedadiisu ahayd dacwad dastuuri ah oo ku saabsanayd qodobka 12aad, faqraddiisa 1aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada Xeer Lr.20-2/05 oo uu madaxweynuhu hore ugu gudbiyey Maxkamada Sare.
Habada Maxkamada dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta qaraar ka soo saartay qoraalkii madaxweynuhu u gudbiyey, taasi oo ay ku laashay qodobkii xeerka dorashada golaga wakiilada ku jiray ee hore 2005kii ay ugoaamisay maxkamada sare kaasi oo hada laashay