Aktar Caan Ahaa Oo Filimada Mareykanka Jili Jiray Oo Geeriyooday
August 30, 2020 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Dalka Mareykanka, waxaa xalay ku geeriyooday Chadwick Boseman, oo ahaa aktarkii jilay filimka caanka noqday ee “Black Panther” ka ddib markii uu muddo afar sano ah la halgamayay xanuunka kansarka. Boseman ayaa ahaa 43 jir.
Qoraal xalay la soo dhigay barahiisa Facebook iyo Twitter, ayaa lagu sheegay in Boseman oo xirfaddiisa jilliinka filimada ka soo bilaabay musalsallo TV-ga laga daawaday oo ay ka mid ahaayeen “Third Watch,” “Law & Order” iyo “ER,” uu ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Los Angeles iyadoo ay ku hareeraysnaayeen xubnaha qosykiisa.