Somaliland Oo Diidday Inay Dalkeeda Soo Galaan Odayaal Ka Socda Beelaha Hawiye
August 30, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Odayaal dhaqan oo ka soscday beelaha Hawiye, isla markaana uu hoggaaminayey Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa loo diiday maanta inay Somaliland soo galaan.
Odayaashan oo ku wajahnaa magaalada Hargeysa, balse diyaaradii ay ka raaci la haayeen Muqdisho ayaa ku war gelisay in Somaliland ay uga digtay inay soo qaado, sidaas darteedna ayna qaadi karin.
Mid ka mid ah odayaashaas, Muxiyaddiin Xasan Afrax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Hargeysa u tagayeen xalinta dhib ay geysteen Dhilinyaro kasoo jeeda Hawiye oo ku xidhan Hargeysa.