Boqor Salmaan Oo Xilal Ka Qaaday Wiil Iyo Aabihii Ka Wada Tirsan Boqortooyada
September 1, 2020 - Written by admin
Riyaad(Berberatoday.com)-Saraakiil ka tirsan dowladda Sucuudiga ayaa xilka laga qaaday, waxaana ka mid ah labo xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyada.
Wareegto kasoo baxday boqor Salmaan ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Amiir Fahad Bin Turki oo ahaa taliyihii ciidammada isbaheysiga ee Sucuudiga hogaaminayo ee howlgallada ka wado Yemen.

Waxaa sidoo kale shaqada laga eryay wiilka Amiir Fahad, Cabdulcaziiz oo ahaa ku-xigeenka badhasaabka gobolka waqooyiga dhaca ee Al Jowf.