Madaxweynaha Venezuela Oo Raadinaya Dad lagu Tijaabiyo Tallaalka Coronavirus
September 2, 2020 - Written by admin
Venezuela(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, ayaa shaaca ka qaaday in uu raadin doono dad si mutadawacnimo ah loogu tijaabiya tallaalka fayraska Covid-19 ee uu soo saaray Ruushka.Ruushka waa dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah ugu dhawaaqo in uu helay tallaalka cudurka coronavirus.
Hase-ahaate tallaalkan waxaa shaki geliyay khubarrada caafimaadka ama saynisyahannada kuwaas oo su`aal geliyay baahida loo qabo tijaaboyinka.
Dowaladda Venezuela ayaa balaayiin doollar oo deyn ah ka heshay Ruushka waxayna sheegtay in ay ka qayb qaadan doonto tijaabooyinka caafimaad ee tallaalkan cusub ee uu soo saaray Ruushka”Maalmaha soo socda, waxaan codsan doonnaa dad si mutadawacnimo ah loo tallaalo,” ayuu sheegay Madaxweyne Maduro.Saynisyahannada Ruushka ayaa sheegay in tijabooyinka horudhaca ah ay yihiin kuwo guulo soo hoyay, haddana in si rasmi ah loogu dhawaaqo tallaalkan waxay ku xiran tahay in kumannaan qof tijaabo lagu sameeyo.