“Imaaraadka Waxaa Raacday Ceeb Aan Abidkood Ka Hadhi Doonin…” Hoggaamiyaha Sare Ee IRAN Ayatollah Ali Khamenei
September 2, 2020 - Written by admin
Tehran(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inay khiyaameeyeen dunida muslimka, markii ay go’aansadeen inay xidhiidh la yeeshaa Israa’iil.
Ayatollah Ali Khamenei ayaa khudbad laga sii daayey taleefishinka salaasadii waxa uu ku sheegay in Imaaraadka ay dhabarka ka mindiyeeyeen Islaamka, ayna weligood ceeb ku noolaan doonaan.
“Dabcan, khiyaanada Imaaradka masii jiri doonto, hase yeeshee ceebta ka raacday weligeed waa la xusuusan doonaa,” ayuu yidhi Ayatollah Ali Khamenei.
“Waxay maamulka Saxnuuniyadda u ogolaadeen inuu gobolka soo galo, waxayna hilmaameen Falastiiniyiinta. Imaraadka weligood waa ay ceebeysnaan doonaan. Waxaan rajeynaa inay soo baraarugaan oo ay magdhow ka bixiyaan wixii ay gaysteen,” ayuu yidhi