Proffesor Cabdi Ismaaciil Samater Oo Shaaciyay Arin Ay Ku Adkeysanayaan Axmed Madoobe Iyo Deni
September 3, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka faalooda arrimaha Afrika ayaa shaaciyay hal arin oo ay ku adkaysanayaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.
Prof: Cabdi Ismaaciil Samater ayaa sheegay waxay madaxda dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland arrimaha ay ka wada-hadlayaan ka mid ah sidii loo dhisi lahaa dowlad, marka uu dhammaado muddo xileedka dowladda uu hoggaamiye Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in lagama maarmaan ay tahay in la soo dhiso dowlad, si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed oo timaada.