Shirkadda Facebook Oo Fariin Adag Udirtay Macaamiisheeda Ku Sugan Dalka Australia.
September 3, 2020 - Written by admin
Sydney(Berberatoday.com)-Shirkadda barta xidhiidhka Bulshada ee Facebook ayaa ku hanjabtay in macaamiisheeda ku sugan waddanka Australia ay ka mamnuuci doonto inay wararka iskula wadaagaan bartaasi, xilli ay shirkaddu diyaarinayso sharci cusub oo ku khasbaya inuu lacag ku bixiyo warbixinnada ay macaamiishu ku soo daabacaan barteeda.
Hay`adaha maamula shirkadaha ayaa ka doonaya shirkadaha sida Facebook iyo Google inay lacag ku bixiyaan warbixinnada dib loo daabaco.
Bishii la soo dhaafay Google ayaa macaamiishiisa uga digay in taasi ay ka dhalan karto in adeegyadiisa wax baadhitaanka ay ka sii daraan.