berberatoday.com
Maxaad Kala Socota Xildhibaanno 20 Sanno Ka Tirsanna Soomaaliya
September 4, 2020 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Muddo labaatan sanno ah ayaa laga joogaa heshiiskii lagu dhisay hay’addaha dawaladda Soomaaliya ka dib burburkii dawladdii hore ee Maxamad Siyaad Barre uu hogaaminayay ee dhacday 1991 kii.

Heshiis ka dhacay maagalada Carte ee dalka Jabuuti ayaa lagu dhisay barlamaankii ugu horeeyay kaasoo afartii sannaba mar la badalo.

Inkastoo dhawr jeer ay is badbadashay tirada kuraasta barlamaanka haddana waxa jira xildhibaano tan iyo Carte aan marnaba ka bixin barlamaanka oo lagu dhiso nidaamka 4.5 ee loo qaybiyay beelaha Soomaalida.

Ma sahlana inaad ugu yaraan afar xilli aad ku soo laabato kursigaaga barlamaanka Soomaaliya oo lagu soo xulo ama lagu doorto nidaamka beelaha ee 4.5 Labaatankii sanno ee la soo dhaafay.

Ku dhaawaad lixdan xildhibaan haddaanay ka badnayn ayaa xilli kasta barlamaanka ku soo laabta iyagoo dib loo soo xulay ama loo soo doortay.Barlamaannadii hore waxa xuli jiray suldaanka ama ugaaska reerka laakiin kan hadda jira waxa doortay ergo 51 ah oo ka socota beesha kursiga leh.

Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim waxa uu labaatan sanno ka hor ka mid ahaa eragadii ka qaybgashay shirkii dib u heshiisiinta ee Carte balse nasiibku wuxuu siiyay inuu xildhibaan ka noqdo barlamaankii kumeel gaarka ahaa ee waqtigaasi Carte lagu dhisay, tan iyo watigaasna kama bixin golaha.Xildhibaan Cismaan wuxuu ku micneeyay joogitaankiisa baarlamaanka in dadkiisu ku qanacsanaayeen mataaladdiisa.

“Markaan dib u noqdo aniga ma ahayn dadka bannaanka aaday markii burburku dhacay dadkaan ku dhex jiray waxaanna aaday deegaankaygii rasmiga ahaa ee Luuq iyo Doolow. Markaas dagaalladii sokeeye dhibaatadii ay abuureen odey baan ahaa, dadkii iyo nabadayntii Gedo iyo dib u heshiisiintii dadkii isu keenay ayaan ku jiray meelba ugama dhex bixin, marka dadkayga ayaan ku dhex jiray iyaga ayaa markasta ii garanayay inaan anigu barlamaanka u matalo”, ayuu yidhi xildhibaan Libaax

Dumarka ama gabdhaha oo markasta oo la dhisayo barlamaan la yiraahdo ha loo xiro qoondo u gaar ah iyaga maadaama la ogyahay in odayaasha beeluhu doonaayaan inay rag xulaan ayaa haddana waxa jira gabdho xildhibaanno ah oo tan iyo Carte aan kuraastooda waayin oo la soo xulayay.

Waxana ka mid ah Khadiijo Maxamad Diiriye oo xildhibaanimada ka sakoow ayba yartahay inay ka maqnaato xukuumaddihii is badbadalayay ee labaatanka sanno ee la soo dhaafay jiray.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews