Qasriga La Garan La’yahay Ciddii Lahayd Ee Laga Helay Meel U Dhow Masjidka Al-Aqsa
September 4, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Khubarada baarta cilmiga la xidhiidha taariikhaha dadkii hore ee soo maray adduunka ayaa helay wax ay ku tilmaameen caddeyn muujineysa qasri “si qurux badan loo dhisay” oo lagu qiyaasayo in la isticmaali jiray xilligii boqortooyadii Yahuudda ee Biblical ay ka arrimineysay magaalada Qudus.
Dhagaxyo aad loo xardhay oo ka mid ah haraadiga qasrigaas ayaa laga helay meel qiyaastii 3km (2 mayl) dhinaca koonfureed ka xigta xaafadda qadiimiga ah ee magaalada Qudus ee loo yaqaanno Old City.
Khubarada ayaa sheegay in haraadiga dhismahan iyo caddeymaha muujinaya qasrigaas la aasay muddo 2,500 oo sano ah ka hor, sababta sidaas loo sameeyayna aan ilaa hadda la garaneynin.Qasrigan ayaa loo maleynayaa in la dhisay qiyaastii qarnigii 8-aad ama 7-aad ee dhalashada ciise ka hor.