berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka Ah.
September 6, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qasriga Madaxtooyada shir muhiima kula qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ee ka hawlgala Somaliland.

Kulankan, waxa lagu lafo-guray sidii Ururrada Bulshada rayidka ahi ay qayb uga qaadan lahaayeen arrimaha dardargelinta doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, isla markaana si wada-jira loogu hirgelin lahaa hiigsiga iyo himilooyinka dalka ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka, doorka dhallinyarada iyo haweenka ee ka qayb-qaadashada doorashooyinka iyo dhiirri-gelinta aqoonta saxaafadda.

Dhankooda, hoggaanka Ururrada Bulshada rayidka ahi waxay muujiyeen dareenkooda ku aaddan inay diyaar u yihiin gacan-ka-geysashada iyo ka midho-dhalinta qorsheyaasha horumarineed ee dalka.

Gebagebadii shirka, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku bogaadiyey Ururradda Bulshada Rayidka ah dedaalka ay ugu jiraan horumarka dalka, Wuxuuna Madaxwaynuhu hoga-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta Ururrada Bulshada, kuna adkeeyey inay sii kordhiyaan ka shaqaynta arrimaha bulshada ee dalkooda.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews