Gabadhii U Doonannayd Suxufigii La Dilay Ee Jamal Khaashuqji Oo Gaashaanka U Daruurtay Go’aanka Maxkmadda Sacuudiga
September 8, 2020 - Written by admin
ankara(Berberatoday.com)-Gabadhii u doonannayd Suxufigii la diley ee ahaa mucaaradka Sacuudiga, Jamal Khaashuqji, ayaa ku cambaareysay maamulka Sacuudiga xukunnada kama dambaysta ah ee la xidhiidha dilkii laba sanno ka hor laga geystay magaalada Istanbul.
Maxkamaddu waxay amartay inay muddo xabsi ah ay ku beddelayso shan xukun oo dil ah – laakiin midkoodna dambiilayaasha lama magacaabin, haweenayda u doonan Mr Khashoggi, Hatice Cengiz, wax ay iyana arrintaasi ku tilmaantay “caddaaladdii oo lagu jeesjeesayo”.
Madaxtooyada Turkiga ayaa sidoo kale dhaleeceysay xukunka, waxayna sheegeen in xukunkani ka hooseeyo rejadii Turkiga iyo Beesha Caalamka.