Imaaraadka Carabta Iyo Israa’iil Oo Dhisaya Isbaheysi Ka Dhan Ah Dal Islaami Ah
September 8, 2020 - Written by admin
Dubai(Berberatoday.com)-Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil ay dhisi doonaan isbaheysi ka dhan ah Iran, si ay u ilaaliyaan Bariga Dhexe iyo dhulka Mareykanka.
“Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil labaduba waxay garowsan yihiin in Iran ay tahay halistooda ugu weyn, sidaas darteed waxay iminka heleen hab ay ku aas-aastaan xidhiidh cusub, taasi oo hadda laga abuuri karo isbaheysi ugu dambeyn xaqiijiya in halistan ayna marnaba soo gaadhin xeebaha Mareykanka ama ayna cidna ku dhaawacin Bariga Dhexe,” ayuu Pompeo u sheegay Fox News.