Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada Ilaalada Xeebaha wadanka Turkiga ayaa soo qabtay tahriibayaal ku sii jeeday Yurub oo gaadhaya 165 qof, waxaana la ogaaday inay ku jiraan tobaneeyo Soomaali ah.
Meel ka baxsan xeebta Mediterranean-ka ayey hawlgalkaan ka sameeyeen ciidamadda Turkigu, wakaaladda wararka ee Turkiga ayaa sheegtay in dadkani ay ka soo kala jeedaan wadamada Afgaanistaan iyo Soomaaliya.
Tahriibayaashaan waxay damacsanaayeen inay galaan wadanka Giriiga, warbaahnta madaxa banaan waxay qaarkood sheegayaan in dadkaan ay gaadhayaan ku dhawaad 200 qof.