Madaxweynihii Hore Axmed-siilaanyo Oo Dalka Dibeddiisa Udhoofay, Xilli Muddo Koobani Ka hadhay Shirweynaha Kulmiye
September 11, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa Arbacadii Shalay dalka dibeddiisa u dhoofay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka mid ah Qoyskiisa oo ay ka mid yihiin Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina-weris) iyo Wiilka uu sodogga u yahay ee Baashe Cawil Cumar.