Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Kismaayo
September 12, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Qof isku soo xidhay waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay gudaha magaalada Kismaayo, gaar ahaan inta u dhexeysa masaajidka Jaamica ah ee qadiim iyo cisbitaalka magaalada.
Wararka hor-u-dhaca ah ee laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabbi Kaahin, waxa uuna warka laga helayo magaalada ay qeexayaan inuu dhaawacmay, hase-ahaatee lama oga inta uu dhaawiciisa gaadhsiisanyahay.