Itoobiya Oo Dambiyo Argigixiso Kusoo Oogtay Hoggaamiyaha Mucaaradka Oromada Iyo Siyaasiyiin Kale Oo Uu Ku Jiro Jawar Mohammed
September 21, 2020 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Itoobiya ayaa ka gudbisay dacwado argagixiso oo ay ku soo oogtay maalqabeenka caanka ah iyo siyaasiga mucaaradka ee kasoo jeeda qowmiyada Oromada, Jawar Mohammed.
Jawar, oo ah aasaasaha shabakada warbaahinta Oromiya isla markaana xubin ka ah xisbiga Oromo Federalist Congress, ayaa la qabtay bishii June xilli ay socdeen rabshado baahsan oo ka dhashay dilkii heesaaga reer Oromo ah Haacaaluu Hundeessaa.
