berberatoday.com
Ra’iisal-wasaaraha Cusub Ee Dawlada Xamar Oo Baarlamaanka ka Codsaday Inay Kalsoonida Siiyaan
September 21, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo markii ugu horreysay  warbaahinta dowladda tan iyo markii la magacaabay, ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ka codsaday in ay siiyaan codka kalsoonida.
Raysal wasaaraha ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu barlamaaanka ka helayo codka kalsoonida, iyadoo la filayo in dhawaan la horgeeyo barlamaanla Soomaaliya, si ay u meel mariyaan una guto waajibaadkiisa.
“Waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga” ayuu yidhi Raysal-wasaare Rooble.
Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay inuu si masuuliyadeed leh u aqbalay kalsoonida iyo magaabidda uu ka helay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’iisal-wasaaraha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi; “Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.”
Wuxuu Raysal-wasaaruhu xalay la kulmay gudoonka barlamaanka Soomaaliya, isagoo soo dhowayn ka helay.
Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo haddii uu codka kalsoonida ka helo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, noqonaya Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa haysta muddo kooban, waxaa horyaalla ugu horayn inuu si degdeg ah kusoo magacaabo xukuumad fulisa heshiiska doorashada.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews