Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Xildhibaannada Reer Awdal Oo Muddo Cadho Kaga Maqan Fadhiyada Golaha Wakiillada
September 22, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa habeen hore kulan la yeeshay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, kuwaasi oo muddo ka maqan Golaha.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Gobolka Awdal ayaa Muddo ka maqan fadhiyada Golahooda, iyagoo diiddan in doorashada Golaha lagu galo Saami-qaybsigii doorashadii 2005-tii.