Mulkiilaha Kooxda Chelsea Roman Abramovich Oo Lacag 100 Milyan Oo Dollar Ah Isreal Ku Caawiyay Sidhulka Falastiiniyiinta Yuhuud Cusub Loogu Deegaameyo
September 23, 2020 - Written by admin
Isreal(Berberatoday.com)-Mulkiilaha Kooxda Chelsea, Roman Abramovich, ayaa in ka badan 100 malyan oo doollar ku taageeray Israa’iil, si ay guryo u gaga dhistaan dhulka ay haystaan ee Falastiin.
Elad waa ha’yad ka howlgasha dhulka laga haysto Falastiin ee Bariga Qudus, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Silwan ama “Ir David” oo luqadda Hebrewga ah micneheeduna yahay “Magaaladii Daa’uud”
Tan iyo markii la aasaasay ha’yaddan, sannadkii 1986, Elad waxay ku dhowaad 75 guri oo ay ka dhistay Silwan dejiyay qoysas Yuhuud ah, waxay sidoo kale ha’yadda maamushaa deegaannada taariikhiga ah ee ku yaalla Magaalada Daa’uud, halkaas oo ah goob dalxiiska caan ku ah. Sannadkasta waxaa booqda in ka badan hal malyan oo qof.