Admiral-ka Ciidamada Bada Ee Itoobiya Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Dardar Galin Ciidamadaas Lagu Samaynayo
September 25, 2020 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Taliyaha Guud ee Ciidanka aan badooda la aqoon ee dalka itoobiya, “Admiral Kindu, ayaa ku dhawaaqay inay socdaan dadaalo balaadhan oo lagu dhisayo ciidanka bada sanadkan cusub ee 2013 ee Taariikhda Ethiopia.
Admiral Kindu, ayaa sheegay in itoobiya soo celinayso awooda Ciidamadeeda bada oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada badda ee bariga Afrika,
Wadamada reer yurub ayaa kaalin muuqata ka qaadanaya dhismaha ciidama badooda aan la aqoon oo iyagu ahmiyad gaar ah siinaya rajadooda ku aadan maamulka gobolka yar ee geeska Africa.
Dhismaha ciidamada bada itoobya (Ethioipia Naval Force) waxaa si gaar ah u tababaraya wadanka Farnsiiska oo ka mid ah quwadaha dunida ku loolamaya.
Khubarada Falanqaysa arimaha geeska Africa oo ka hadlay dhismaha ciidamada bada ayaa sheegay in itoobiya u hanqal taageyo xeebaha soomaliya.