Dedaallo La Doonayay In La Isugu Soo Dhaweeyo Madaxweyne Ku-xigeenka & Wasiir Saajin Oo Guul-daraystay
September 27, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa lagu guul-daraystay in la isku soo dhaweeyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo doonaya inay ku tartamaan kursiga Afraad ee Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, kaasi oo uu dhowr iyo tobankii sanadood ee u dambeeyay uu ku fadhiyey Madaxweyne ku-xigeenku.