Xildhibaan Axmed Kijaandhe Iyo Wiilal Uu Dhalay Oo Garaacis Kooma Ku Galiyay Wiil Banjarle Hargeysa Kuhaysta Oo Lacagtii Taayirada Weydiiyay
October 1, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhacdadan Murugada leh oo maanta Hargaysa Ka Dhacday
Wiil Banjarle ama Goomayste Hargaysa Ku Haystay Oo Axmed Xildhibaan Kijaandhe oo Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Is Af Dhaafeen Kadibna Xildhibaanka iyo Qoyskiisa Ay Kamid Yihiin Laba Wiil Uu Dhalay Iyo Mid Uu Adeer Uyahay ayaa dhaawac Halis ah Ugaystay, waxaana uu hada ku jiraa koomo Sida ay Ehelkiisu Warbaahinta La WadaageenWaxaanu Yaala Cisbataalka Guu Er Hargeysa Oo Xaaladiisa Caafimaad Lagula Tacaalayaa.
Xildhibaanka Iyo wiilka Banjarlaha Ayaa Isku Af Dhaafay Lacagta Taayirada Loogaga Shaqeeyay Xildhibaanka Siday Ehelada Dhibanuhu Sheegeen.
Talaabadan Ayaa Ah Arin markii ay dhegaha dadku maqleen aad udiideen waxaana laga war sugayaa Talaabada ay ciidanada amaanka iyo Garsoorku ka qaadaan dhacdadan Xildhibaanku Ku kacay
Berberatoday.com