Isticmaalka Ereyga Insha Allah Oo Qabsadday Baraha Bulshadda
October 2, 2020 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn u hadal haya ereyga ‘Inshaa Allah’ ee u isticmaalay musharraxa madaxtinimada ee xisbiga dimuqraadiga ee Mareykanka Joe Biden mar uu dood la lahaa madaxweyne Trump.Joe Biden ayaa yiri ‘Inshaa Allah’ kaddib markii Trump uu ku yidhi , ‘Waxaad arki doontaa qaabka aan canshuurta u celiyay’Ereygan oo ah mid ka yimid luqadda Carabiga oo micnahiisu yahay ” Haddii uu Alle idmo”“Inshaa Allah” waxaa inta badan adeegsadaa dadka Muslimiinta ah, waxayna la yaabeen markii uu yiri ereygan ninkan 77 jirka ah ee ka tirsan madhabta Catholic kana soo jeedo gobolka Pennsylvania.