Madaxwayne Muuse Biixi Oo Tacsi Udiray Qoyska Reer Cabdi Malow Uu Ka Geeriyooday Marxuum Maxamuud Cabdi Malow
October 2, 2020 - Written by admin
TACSI MADAXWEYNE
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Faarax (Maxamuud Cabdi Malow) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 01/10/2020 caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa dhamaan qoyska reer Cabdi Malow.