Fatahaado Ku Dhuftay Talyaaniga Iyo Faransiiska Oo Dad Galaaftay
October 4, 2020 - Written by admin
Rome/Paris(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 25 qof, ayaa lagu la’yahay, halka laba qof oo kalena ay ku dhinteen Fatahaado ku dhuftay dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga, kadib markii Roobab Duufaanno wataa ay ka da’een gobollada Xadka ee ay wadaagaan labadaas dal.
Roobabka Duufaanta wata oo soo rogay Daadad badan, ayaa sidoo kale waxyeeleeyey waddooyin iyo guryo sida ay sheegeen masuuliyiinta dawladahaasi Sabtidii maanta.
