Haddii Calaamadahan Aad Taleefankaaga Iphone Ka Ah Ku Aragto, Waxa Aad Ogaataa In Lagu Basaasayo
October 4, 2020 - Written by admin
Dad badan ayaa muddooyinkii u dambeeyey cidhifka sare ee midig u xiga taleefannadooda iPhone ka ah ku arkayey dhibic yar oo midabka liinta leh (Liimi ah) mararka qaarkood ka soo muuqanaysa marar kalana qarsoomaysa. Sidaas waxaa sheegtay majaladda Fortune ee ka soo baxda dalka Maraykanka oo sheegtay in calaamaddan la arkay intii ka dambaysay cusboonaysiintii u dambaysay ee lagu sameeyey barnaamijka ka shaqaysiiya Alle ee iOS, waxa aanu ku yimi dadaal ay shirkaddu doonayso in ay ku ilaaliso xogta macaamiisheeda, kana hortagto cidda doonaysa in ay xogtaas la baxdo si ay uga faa’iidaysato soo saarista barnaamijyada iyo adeegyada hadba loo baahan yahay isla markaana u wanaajiso kuwa hadda jira. Calaamaddan ayaa ay warbixintu sheegtay in ay sheegayso in mid ka mid ah barnaamijyada taleefankaaga ku jiraa uu basaasayo xogtaada ama kamaradda taleefankaaga uu isticmaalayo.