“Ma Aqbalayo Inuu Mareykanka Kenya Ka Fuliyo Duqeymo…” Uhuru Kenyatta
October 4, 2020 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Madaxweynaha waddanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay an aanu oggolaan doonin in millatariga Mareykanka ay duqeymo cirka ah ka geystaan gudaha Kenya, isagoo beeniyay wararka sheegaya in aqalka Pentagon-ka uu oggolaasho weydiistay Kenya.
Sida lagu daabacay Wargeyska New York Times bishii la soo dhaafay millatariga Mareykanka ayaa oggolaasho u doonaya inay duqeymo cirka ah ka egystaan qeybo ka tirsan bariga Kenya, iyaga oo ku beegsanaya kooxda Alshabaab “.
“Howlo argagixiso way jiraan balse saldhigyo argagixso kuma lihin gudaha Kenya. Sidaas darteed, ma jirto waxaas,” ayuu yidhi madaxweyne Kenyatta oo booqasho rasmi ah ku jooga Fransiiska.