“Wasiirkii Baa Qayilaya, Agaasimihii, Madax-Dhaqameedkii,Ummad Kuwooda Hormuudka U Ahi Xumaan U Horseedaan Way Baaba’aysaa”Sheekh Cabdillahi Xasan Xaashi Barbaraawi.
October 4, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland ayaa walaac weyn ka muujiyay umaddana uga digay dhibaatada ay leedahay marka dadka kuwooda hormuudka u ahi xumaan ugu noqdaan tusaale halkii ay ka ahayd in ay wanaagga tusaale ugu noqdaan taasina ay saamayn xun ku yeelanayso Bulshada dhaqankeeda iyo wanaaaggeeda.
Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo khudbaddii Jimcaha ee shalay kusoo qaatay xaaladda kudayashada iyo saamaynta ay ku leedahay tarbiyadda umadda ayaa waxa uu sheegay in ummad Wasiirradoodii, Agaasimayaashoodii, Madax-dhaqameedkii, Dhakhaatiirtii iyo waalidkii waaweynaaba xumaan samaynayaan oo qayilayaan in aanay ubadka iyo intii ku dayanaysay aan wax kale laga filayn, umadduna isku dayato iyada oo qofba wixii uu sameeyo lagaga dayanayo shar iyo khayr waxaanu si gaar ah uga digay dhaqamada xun ee loo baahan yahay in laga waantoobo sida qaadka iyo xumaanaha kale oo dhan.