Ciidammada Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Faafinayay Diinta Kirishtanka
October 5, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay Magaalada Hargeysa ku qabtay laba qof oo la sheegay in halkaas ka wadeen faafinta diinta kirishtanka.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashanle Sare Faysal Xiis ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka gacanta ay kusoo dhigeen laba qof oo rag ah, kuwaasi oo Caasimadda Somaliland ka waday diinta kirishtanka, kadib markii xog laga helay raggaas.
Waxaa uu sheegay Afhayeenka in ragga lasoo qabtay mid kamid ah uu yaqaano Qur’aanka kariim ah iyo kutubta fiqiga ah, isagoona ku tilmaamay inay yihiin murtadiin doonayay in ay dadka fasahaadiyaan.