Dal Dadkiisu Dastuur La’aan Isu-maamulaan Iyo Kala Dambaynta
October 5, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dalal badan oo caalamka ka tirsan ayaa isku maamula dastuur qoran, kaasi oo udub dhexaad u noqda qawaanniinta sharci ee dalka iyo xuquuqda dadka, haddaba maxay tahay sababta UK aanay u laheyn dastuur qoran?
Su’aalaha iyo doodda ku saabsan in UK aanay laheyn dastuur qoran waxay soo ifbaxeen marar badan oo dalka ay ka dhaceen jahwareer xagga siyaasadda iyo dhacdooyin u baahnaa shacri loo laabto, waxaa ugu weyneyd horraantii bishii April ee sanadkan markaas oo Ra’isalwasaaraha Boris Johsnon uu ku dhacay fayraska Korona, isla markaana la iswaydiiyey in haddii uu cudurka ka bogsan waayo waxa dhici doona!