Madaxweynaha Malawi Oo Ka Noqday Ballan-qaadkiisii Ololaha Ee Halka Milyan Ee Shaqo
October 7, 2020 - Written by admin
Malawi(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Dalka Malawi Lazarus Chakwera, ayaa ka noqday Ballanqaadkii uu ku ololeeyay ee ahaa inuu abuur Hal milyan oo shaqo, isaga oo sheegay in ay xukuumaddu shaqaalaysiin karto 200,000 qof.
Madaxweyne Chakwera, ayaa sheegay in aanay xukuumaddu kaligeed abuuri kari shaqooyinka, balse ay Ganacsiyada Gaarka loo leeyahay ay ka rabto inay ay dadaalkeegan kala qeyb qaataan, oo ay ka caawiyaan shaqo-abuurista.