Odayaasha Reer Sool Ah Oo Shirkada Ganacsiga Indha-deero Group Ku Eedeeyey Boobka Dhul Hargeysa Ku Yaal, Baaqna Direen Madaxweynaha”Daawo Muuqal
October 7, 2020 - Written by admin
Laascaanood(Berberatoday.com)-Odoyaasha iyo Guurtida gobolka Sool oo maanta shir Jaraa’id ku qabtey magaalada Laascaanood, ayaa qaylo-dhaan ka soo saaray Dhul Wershedeed ku yaalla magaalada Hargeysa oo ay sheegeen inay dhac u geysatey Shirkadda Indha-deero group oo taageero ka heleya masuuliyiin ka mid ah garsoorka Maxkamadaha Hargeysa waa sida ay ku doodeene.
Waxaanay Odayaashani baaq u direen Madaxda Dhaqanka, Wax-garadka, Aqoonyahanka, Garsoorka Somaliland, Madaxweynaha Somaliland iyo guud ahaan dowladda Somaliland inay wax ka qabtaan boobka dhulkooda lagula wareegayo. Waxaanay u digeen Shirkadda Indha-deero.