berberatoday.com
Sheekh Aadan-siiro Oo Baarlamaanka Ku Bogaadiyey Inay Xeerka Doorashada Ka Saareen Kootada Haweenka
October 8, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-siiro) oo ka mid ah Culimada Waaweyn ee reer Somaliland ayaa ka hadlay Xeerka Doorashooyinka oo laga reebay Kootada Haweenka, waxaanu arrintaa ku bogaadiyey labada aqal ee Baarlamaanka (Guurtida/Wakiillada).

Sheekh Aadan-siiro oo u warramay Telefiishanka Bulsho ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Xeerka doorashada ee odhanaya waa in Dumarka Kooto loogu xidho weliba 30% oo ah Wax aan innaga inaga dhalan, laakiin Qaramada Midoobay iyo Niman dan leh oo weliba Waddamada Muslimiinta ah ee Ahlu-sunaha ah dan badan ka leh ay dabada ka riixayaan.”

Sheekhu wuxuu sheegay oo kale “Islaamku aad iyo aad buu u qiimeeyay Hooyada, Islaamku aad buu u qiimeeyay Hablaha, Islaamku aad buu u qiimeeyay Dumarka, waxaanu siiyey Kaalinta ah in la soo saaro Ubad Muslim ah oo Toosan oo Nolosha ka qayb-qaadan kara.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Mashruuc Gaaladu dabada ka waddo ku sheegay Kuraasta Kootada ah ee la doonayey in Haweenka loogu daro Golaha Wakiillada “Waxaynu ka hadlaynaa Mashruuc Cid dabada ka riixayso oo Nimankaa yidhaahda Dunida koowaad baanu nahay (ay u taageerayaan), dhaqaale ahaan, Dadkiina ururinayaan. In badan waxaynu aragnay Ninka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ka dhex ololaynaya dumarka.

Waxyaabaha aynu ku heshiinay waxa ka mid ah in Taladeena aynu innagu yeelano, Dastuurkeenu waa mid ku salaysan Shareecada Islaamka oo yidhi wax kasta oo Shareecada ka hor imanaya looma baahna, markaa wax la aqbali karayo maaha inaynu u hoggaansano Niman dumarka u haysta sida Alaabta tukaanka laga soo iibsado.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu bogaadiyey Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida oo Xeerka doorashada ka saaray Kuraastii Kootada ahayd “Waxaanu aad iyo aad u Hambalyaynaynaa Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada JSL, waxaanu leenahay Waajibkiinii baad gudateen, waanuna idinku barbar taaganahay, waanad Mahadsan tihiin.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu Booliska ku amaanay qabashada Dad Diinta Kiristaanka ku faafinayey Gudaha Somaliland “Waa Dad Islaam ah boqolkiiba boqol, waa Dad wada Ahlu sunna ah, lama aqbali karayo Diin kale ee lagu fidiyo, Islaamkuna ma ogola, sidaa daraadeed waxaanu aad iyo aad ugu Hambalyeynayaa Ciidammada Booliska JSL Dadkaa Diinta kale fidinayey oo runtii meelo kale ka socda sida ay uga hawl-galeen (ee ay qabteen)…”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews