Halkan Ka Akhriso Taariikh Nololeedka Marxuum Cali Khaliif Galaydh Oo Kooban
October 9, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Prof Cali Khaliif Galaydh waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool 15 October, 1941-kii, halkaas oo uu ku soo qaatay qaybihiisii hore ee noloshiisa dhalinyarnimo iyo waxbarashada aasaasiga ah.
Waxbarashadii dugsiga Sare waxa uu ku dhammeystay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil sanadkii 1962-kii. Heerka aqoonta maaddiga ah waxa uu qeybo ka mid ah ku soo qaatay jaamacado dibadda ah ilaa uu ka dhammaystay waxbarashada heerka Shahaadada PHD. 1967-kii ilaa 1969-kii wuxuu shahaadada heerka labaad ku qaatay Jaamacadda Syracuse ee magaalada New York ee dalka Maraykanka.