Guddi Dowlad-deegaanka Soomaalidu u Saartay Geerida Prof: Galaydh Oo Shaacisay Sababta Geeridiisa Iyo Halka Lagu Aasayo
October 9, 2020 - Written by admin
Jigjiga(Berberatoday.com)-Guddi uu Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya u xilsaaray baadhitaanka waxa sababay geerida Ra’iisal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof: Cali Khaliif Galaydh oo gelinkii hore ee Khamiitii maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga, ayaa shaaciyay in Marxuumka u geeriyooday cudurka Covid-19 oo uu maalmahaan la xanuunsanayey, sida guddigu sheegtay.
Wasiir ku-xigeenka caafimaadka dowlad-degaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya Dr. Mukhtaar Yuusuf Muuse oo ku hadlayay magaca guddiga, ayaa sheegay in Cali Khaliif labadii maalmood ee ugu dambeysay uu u xanuunsanayey xanuunka covid-19, balse xaaladdiisu ay soo xumaatay maanta markii xanuunku ku soo saa’iday, ka dibna uu u geeriyooday, sida uu Wasiir ku-xigeenku ku dooday.
“Maanta duhurkii ayuu billaabay naqasku inuu ku dhego, anigoo la jooga ayay naftu ka baxday Prof: Cali Khaliif Galaydh, runtii waa geeri aad u xanuun badan, wuxuu lahaa qufac fara badan iyo xumad.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka ku-xigeenka caafimaadka dowlad-degaanka Soomaalidu.