berberatoday.com
Dil Argagax Leh Oo Ka Dhacay Gudaha Masaajid Ku Yaalla Soomaaliya
October 11, 2020 - Written by admin

Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Dil qorsheysan oo xalay ka dhacay waqooyiga gudaha masaajid ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysan Bastoolado ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Siciid Jaamac Maxamed (Siciid Maradoona).

Marxuumka ayaa waxaa lagu dhex-dilay masaajidka Abuu Hureyra ee ku yaalla xaafadda Israac ee magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen illo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in kooxihii ka dambeeyey dilkaasi argagaxa leh ee loo geystay marxuumka ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale waxaa goobta gaadhay ciidammo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka Puntland oo howl-gallo ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay.

Siciid Maradoona ayaa caan ka ahaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ka mid ah taksiilayaasha ka shaqeeya gudaha magaaladaasi.

Illaa iyo hadda laga oga sababta rasmiga ah ee loo beegsaday, islamarkaana loo toogtay, iyadoo weli laamaha amnigu ay wadaan baadhitaano dheeraad ah.

Ammaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayay dilal iyo iska hor imaadyo dhexmara ciidanka amniga maleeshiyaad hubeysan oo weli ku sugan qeybo ka mid ah magaaladaasi

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews