Shacabka Putland Oo Madaxweynohoodii Siciid Denni Baafinaya Meel Uu Ku Suganyahay
October 11, 2020 - Written by admin
Garowe(Berberatoday.com)_Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayay ugu war-dambeysay Shacabka Puntland isagoo ka dhoofay magaalada Muqdisho, wuxuu ku sii jeeday xiligas magaalada Nairobi oo ay shir gaar ah ku yeelan lahaayeen dawladda Imaaraatka Carabta saraakiil ka socotay Sirdoonkeeda.
Madaxweyne Deni ayaa 2 habeen oo uu joogay Nairobi ka dib u gudbay magaalada Dubia ee dalka Imaaraatka Carabta, waxaana gabi ahaanba la qariyey xogaha safarkiisan la xariira, mana jirto cid ka socota Xukuumaddiisa oo ku wehlisay safarkiisa qarsoodiga ah.
Deni ayaa qeyb ka ah siyaasiin gaaraya 12 Siyaasi oo hadda kusugan magaalada Dubia, kuwaas oo ay Imaaraatka Carabta u dhiibayeen Ajendahooda ku wajahan doorashooyinka Soomaaliya, waxaana wararku sheegayaan in ay maalmaha soo socda dib ugu laaban doonaan Nairobi.
Madaxweyne Deni ayaa noqonaya wakiilka ama madaxa dulaalka siyaasadeed ee Imaaraatka Carabt u jooga Soomaaliya, xiligan doorashooyinka dad badana ayaana is weydiinaya halka uu Madaxweynuhu ku og yahay masuuliyadii uu qaaday ee Puntland.
Xaaladda jahawareer ah ayaa ka jirtay gudaha Puntland, gaar ahaana Sicir-Bararka ayaa gaaray halkii u sareysay, sidaas oo kale Garoowe dad badan ayaa ka walaacsan hab dhaqanka Xukuumadda iyo saaxiibadiis Shuraakada oo ilaashanaya danahooda gaarka ah wax kastana ay isbedeleen gudaha Puntland.
Shacabku, waxay is weydiinayaan halka uu ku dambeeyey Madaxweyne Deni, xili ficilada Imaaraatka Carabta ay ku hayaan gudaha Puntland ay tahay mid lays weydiinayo, gaar ahaana dekedii Boosaaso oo ay diideen in ay xataa timaado Xafaarada ciida ka saaraysay.