Xaaskii Iyo Madax Dhaqameedka Beelaha Uu Kasoo Jeeday Marxuum Proffesor Cali Khaliif Galaydh Oo Shegay Inay Ku Qanceen In Marxuumku Covid19 Ugeeriyooday
October 13, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Baadhitaankii labaad ee lagu sameeyay maydkii AHUN Cali Khaliif Galaydh, ayaa la shaaciyey, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday cudur Covid-19.
Xaaskii uu ka geeriyooday marxuunku, Maryam Cabdi Biixi iyo qaar mid ka mid Garaadada iyo madax dhaqameedka Marxuum Galaydh, ayaa sheegay in ay ku qanceen najiitada baadhitaanka, waxaana ay soo jeediyeen in la joojiyo wararka ay ku tilmaameen been abuurka ee sheegay in marxuunku uu u geeriyooday sabab kale.
Berberatoday.com